Baro sida loo qoro fariimo jaceyl



Baro sida loo qoro fariimo jaceyl - fariimo jaceyl oo xul ah - 	dhambaal jaceyl - fariimo caashaq - fariimo jaceyl oo raali galin ah - erayo jaceyl
Dadku waxa ay dhahaan jaceylku waa dab laakin aniga dabkaas ayaanba rabaa

Waa maxay Fariimo jaceyl? Sidee loo qoraa fariimo jaceyl oo xul ah? Waxaa xiriir jaceyl ina dhex maray wiil/gabar nasiib daro waan kala fogaanay balse xiriirkeenu weli wuu socdaaa keliya marka laga reebo in aanan maanta si toos ah ula kulmi karin. Dantu waxa ay igu qasabtay in aan u diro fariimo jaceyl oo gaaban. Muhiimadu waxa ay tahay in aan xoojiyo xiriirka jaceyl ee inaga dhexeeyo.


Hadaba qormadeena maanta waxaan ku soo qaadaneynaaa sida aad ugu qori lahayd fariimo jaceyl macaan ah kuwaasoo qalbiga taaban doono.



Waa maxay faaiidada ay leedahay in aad u dirto qofka aad jeceshahay fariimo jaceyl?


  1. Waxaad dhiseysaa kalsoonida qofka waxa uuna dareemay in aadan cidleynin oo aad weli jeceshahay.

  2. Waxaad dareensiineysaa in aad daadihineyso dareenka jaceyl ee idinka dhexeeyo.



Si,aad u xoojiso xiriirka jaceyl isticmaa fariimo jaceyl oo gaaban sababtuna hadalku waxa ku qurux badan yahay in uu yahay mid gaaban.

Fariimo jaceyl - Fariimo jaceyl oo gaaban - Fariimo jaceyl oo xul ah - Fariimo - Kobciye fariimo jaceyl - fariimo jaceyl macaan ah - fariimo jaceyl 2020
Nolosha dhadhan malahan adiga la,aantaa

U qor lamaanahaaga Fariimo jaceyl..


1. Ogow hadii aan adi ku waayo waxa ay iila mid tahay in aan nafteyda waayay, waxaadna ogaataa qalbi in dadka asaageen ah ee isku keen yaqaan ay iigu kaftamaaan iyaga oo igu heysta in aan adiga daacad kuu ahay.

2. Erayga waan ku jeclahay markaad ii timid ee aad igu tiri, ma aqaano sidaan ahaaa, jaceylkaaga la`aantiisa waan lunsanaaa, waxaan dareemay eray walbo oo aad idhahday in uu dhab yahay, jaceylkaaga waa waxa ugu macaan ee nolosheyda soo maray intii aan noolaaa.

3. Waxa jaceyl dunida yaalla oo dhan waxa ay soo dageen qalbigeyga, markaan adiga ku arko waxaan dareemaa farxad aan la qiyaasi karin, waxaana jecleystaa la joogidaada. Sow xaq uma lihi taas?

4. La’aantaa waxaan ahay keli, farxadeyduna waxa ay ku jirtaaa in aan wada joogno, iigu noqo saafi sida shaatiga cad uu nadiif u yahay oo kale.

5. Qalbi ogow Indhaheygu aragoodu waa adi, ma lihi dhago aan wax ku maqlo oo aan adi aahyn, dhiiga sifeeyo wadnaheyguna waa adi.

6. Qalbi wadnaheyga adiga ayaan ku siiyey, maadaama adiga uu kuu garaacmayo ma awoodo inaan xakameeyo xittaa hal daqiiqo in aan codkaaga waayo, daqiiqadi aan codkaaga maqlo farxada iyo yididiilo ayaa hareysa qalbigan kuu ooman ee adigu aad hogaanka u heyso.

7. Waxaan Qirayaa inaad tahay, Qofka i baray Jaceylka, Dulqaadka, Naxriista iyo Farxadda.

Ogoow Noloshu Farxad maleh markaan ku waayo Maalin qura, oo waxaan dib ugu noqdaa oo aan Naftu ku sasabaa Akhrinta Farriimihii hore ee ina dhex maray si aan uga helo Farxad oo aan ugu Nafiso, una dareemo Adiga oo ila jooga.

8. Waan ku jeclahay, waxaadna tahay Qalbigeyga Qofka ugu Wanaagsan ee Qancin kara, waan kuu riyaaqaa, Riyadeyda qofka Rumeyn karana waa Adiga, waan kugu Rajo weynahay, Qofka keliya oo ay Naftu tabeysana waa Adiga.


9. Dadka waxeey dhahaan jaceylka wa dab, laakin aniga waxaan diyaar u ahay inaan dabkaasi wajoho hadii aan adiga kula jiraayo.

10. Adigu waxaad tahay tan ugu qaalisan adduunkayga, tan ugu yaabka badan adduunkayga iyo tan ugu quruxda badan noloshayda.