
Bosaso ( Erayo Jaceyl ) - Maxaan idin kugu talo galnay maanta? Jawaabta: Maahmaahyo somali ah weliba Maahmaahyo ragga ku saabsan. Maxaan horay uga soo hadalnay?
Dabcan: Maahmaahyo dumar " Maahmaahyo naagaha ku saabsan".
Imisa maahmaahyo ayaa jirto?
Jawaabta: Weey badan yihiin, maxaa kamid ah?
Maahmaahyo Jaceyl ah
Maahmaahyo Sarbeeb ah
Maahmaahyo Ku saabsan Guurka
Maahmaahyo ku saabsan dumarka
Maahmaahyo ragga ku saabsan
Halkani kuma soo koobi karno maahmaahyooyinka oo dhan sida ay ukala baxaan balse maanta waxaan idin soo diyaarinay maahmaahyo ragga ku saabsan.
Waxaan horay uga soo hadalnay maahmaahyo ku saabsan dumarka haddii aadan horay u akhrisan hadda halkaan ka akhriso: Maahmaahyo dumarka ku saabsan
Maxay raga jecelyihiin?
Jawaabta: in loo Maahmaaho, hadalo sarbeeb ah lagu dhah.
Maxaa kale oo ay jecelyihin?
Erayo macaan, erayo naxariis leh, erayo dareenkooda kiciyo.
Sida erayada raggu jecelyihiin in lagu dhaho, haddii aadan horay uga faaideysan erayadaasi halkaan ka baro oo riix keliya: Erayada ragga ay jecelyihiin.
Maahmaahyo ragga ku saabsan
Rag la'aani wax kuma yeesho, ee rag xumaa wax ku yeesha.
Rag gogol xun iyo waraabe god xunba gugooda ma gaaraan.
Rag waxa ugu liita, ma hadle ma heenseeye, ma haasawshe
Rag wuxuu kugu bartuu kugu dilaa.
Rag hunguri buu isku raacaa.
Rag la'aan waxba kuma yeeshee, Rag xumaa ku disha.
Rag qawl baa xira, dumarna meher.
Rag waa raggii hore hadalna waa intuu yidhi.
Rag waa shaah dumarna waa sheeko.
Rag walaalow wuxuu ku dhaamo la waa.
Rag waxa ugu faan badan mar dhoof iyo mar duul.
Rag waxa ugu liita ciil kama baxe iyo calooshiisa la ciyaare.
Raggu riyo ma liso, reerkiisana ma mooga.
Raggu waa nin naag guursaday, iyo nin naakirad guursaday.
Rag is galay kala gallad la'
Rag gogoshii waa godob la'aan.
Rag habeen buu is dhaafay.
Rag isma yaqaan, waase is baran.
Rag waa kaad tahay kiisa kale.
Rag waran baa walaaleeya.
Rag lacag waa abuuraa, lacagise rag ma'abuurto.
Rag lama maleeyo.
Rag jidiin baa walaaleeya, ee jiir ma walaaleeyo.
Rag reemay run ayaa la farayaa.
Rag qabri iyo qowl baa ka hara.
Ragi talo kama dhammaato.
Rag wuxuu yiri rag baa diida.
Rag waxaan naftiisa ahayn ba wuu mareeyaa.
Raggana dhugga, ratigana ilkahaa laga eegaa.
Ragga runtu kama nixiso