Baro Friimo Jaceyl 2020

Fariimo Jaceyl 2020

Fariimo Jaceyl 2019

Fariimo Jaceyl 2018

Sidee loo qoraa fariimo jaceyl?

Goormee la isticmaalaa Fariimo Jaceyl macaan ah?


Waxaan qormooyinkeenii hore uga soo hadalnay sida loo qoro fariimo jaceyl oo xul ah. Hadaba maanta waxaan idinla wadaageynaaa sida loo qoro fariimo Jaceyl 2020 ah.




Fariimo Jaceyl: ku bilaaw sidaan...


Iga Guddoon Salaan Kal iyo Laab ah, Salaan ka dib garan maayo meel aan ka bilaabo Weeraha gubaaya Qalbigeyga, isla markaasna Amraaya Dibnahayga iney hadalkaasi kuu soo Bandhigo, mana sheegi karo sida aad uga jawaabi doonto Hadalkeyga, kolka ay dhegahaaga ku dhacaan, waana macquul inaad u baahato Waqti aad kaga soo Fekerto Weeraheyga...


Run ahaan waxaa igu dhex Nool, Qalbi ku jeclaaday Adiga, kuuna jeclaaday si Daacad ah, Qalbi Kelinimada ku Cidlooday oo u baahan inaad is Weheshataan.


Ma lihi awood aan si Qayaxan kuugu iraahdo "Waan ku jeclahay", balse waxaan leeyahay Awood aan kugu tuso Jacaylka aan kuu hayo.


Kuma dhahaayo sida dadka qaar, Abidkey kaa Fogaan maayo, La'aantaadana Noolaan kari maayo, balse waxaan ku leeyahay Adiga ii noqo Qofka aan Aqbaleynin inaan la'aanteeda Noolaado.


Igu Beer Xasuuso sababaaya inaanan Abid kaa Fogaan.


I bar macnaha Saxda ah ee Jacaylka, ka dibna igula noolow.


I bar sida loo bixiyo Qalbiga, loona siiyo Qofka u Qalma.


Nafteydana ku khasab in ay Adiga oo keliya kula noolaato.


Waan ku Jeclahay keliya waa Erey qof kasta ku dhihi karo, balse indhaheyga ayaa Xaqiiqda jaceylka kuugu filan.


Gacalo waan kaa Sugi jawaabta, Anigoo ku Han weyn iney jawaabtaadu noqon doonto Mid i Farxad gelisa, balse ha igala soo raagin jawaabta,


Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.