Amaanta Xaaskaaga: Baro hadalada dumarka ay jecelyihiin

Amaanta xaaskaaga ama hadalada dumarka ay jecelyihiin ma ahan wax adag, kaliya inaad barato erayada amaanta leh ee ay ragoodu ka rajeeyaaan.

amaanta xaaskaaga, geeraar jaceyl ah oo gaaban, geeraar amaan ah, amaan dumar qoraal
Erayo jaceyl

Qaabka loo amaano xaaskaaga waa wax fudud oo aad baran karto.


Amaanta xaaskaaga iyo hadalada dumarka ay jecelyihiin

Markaad xaaskaaga shukaansaneysay waxaa dhihi jirtay erayo jaceyl ah laaakin hadda maya!


Erayada ay hadda u baahan tahay oo ay kaa sugeyso waa erayo ka sii fudud kuwii aad dhihi jirtay shalay, kaliya inaad u muujiso, si, ay u ogaado weli inaad jeceshahay.


Xaaskaaga kaama dalbaneyso jawaan lacag ah kaliya inaad amaanto oo aad ku dhahdo erayo macaan oo qalbigeeda soo jiidanayo.


Waxaa ku filan oo kaliya adigoo ku dhahaa sedex eray oo holac ah.


Markaad guursaneysay waxaad ka balan qaaday inaad weligaa jeclaan doontid oo aad u koolkoolin doonto sida canug yar oo kale, laakin markaad guursatay waxaad ka joojisay intii aad dhihi jirtay, ileyn waxaad ismooday inaad dantaadii gaartay.


Alley lahee marbeey qarxi doontaaaa! Waxa ayna ku dhihi doontaa: Saaxibow aniga ma ihi xoolo aad guri ku soo xareysatay hana ii maleyn in aan doqon ahay. Intii aan kuu dulqaadan karay waan kuu dulqaatay, hadana waa iga kaa soo dhamaatay ee iska keey fur.


Maxay dareemaan dumarka markaad dhihi weyso erayo macaan?

  • Dumarka intooda badan waxa ay dareemaan in jeceylkii loo qabay uu dhamaaday goortii ay waayaaan erayadii lagu shukaansan jiray.


Waxaa laga yaabaa in ay kugu tiraahdo

  1. Ma inacday?

  2. Aaway hadaladii macaanaa ee aad i dhihi jirtay?

  3. Waxaad gaartay miyaaa hadafkaagii ahaaa kaliya inaad iguursatid oo aan xaaskaaga noqdo iyo hadalo lamid ah.


Haddi aysan ku dhihin xitaaa erayadaasi waa kuwo qalbigeeda ka dhex guuxayo.


Ogow xaaskaaga markaad guursatid, waxa ay kaa sugeyso inaad amaanto oo aad u muujiso.

Sida loo amaano xaaskaaga ma ahan barashada nukleyrka ee waa wax aad u fudud oo u baahan muujin oo kaliya.


Dumarku waa kuwo qalbi jilcan, naxariis badan, jecel mar walbaa in la farxadgeliyo.

Markaad isbaraneyseen waxaa laga yaabaa inaad si fudud ku soo jiidatay qalbigeeda, ka waran hadda oo ay xaaskaagii noqotay oo aad u dhaxday?