Amaanta Raga Soomaaliyeed: Baro hadalada dareenka leh ee ay ragu jecelyihiin

Qormadeena waxay maanta ku saabsan amaanta raga Soomaaliyeed, sida loo amaano rag.

Baro hadalada dareenka leh ee ay ragu jecelyihiin

Amaanta raga ma ahan wax adag, uma baahnid in aad ku dhahdo erayo jaceyl ah oo fara badan sida buug oo kale. Kaliya inaad barato hadalada naxariista leh ee qalbigooda tooska u tago.



Amaanta Raga Soomaaliyeed: maxay jecelyihiin raga?


Markaad diyaarad raaceyso maxaad jeceshahay?

  • Dabcan: Diyaarad toos kuu geyneyso oo aan leex leexad laheyn.


Dumar fara badan ayaa aaminsan in raggu ay qalbi adag yihiin laakin taasi waa been, anigaaba hadda kuu cadeynayo, wax kale uma baahnid, aniga i aamin.


Sababta aan ku dhahayo aniga i aamin maxay tahay? Sababtoo ah anigaaba rag ah, daliil kale uma baahnid.


Haddii 20 rag ah la weydiiyo waxa ay jecelyihiin misana hal jawaab ay ka bixiyaan, daliil kale miyaad u baahan tahay?


Jawaabtu: MAYA.


Hadaba qormadani ma ahan kaliya mid 20 rag ah laga soo xigtay, ee waa wax inta badan ay ka siman yihiin raga. Tijaabi erayadaan soo socdo adigaaba xaqiiqda arki doonee.


Guri markuu albaabkiisa furan yahay waxaa geli karo qof walbaa laakin markuu xiran yahay, waa kuma qofka geli karo?

  • Jawaabta macquulka ah: Kaliya qofka markaasi furaha heysto.

  • Raguna waa sida gurigaas oo kale, waxa ay leeyihiin albaab laga galo iyo fure u gaar ah?


Yaa heli karo furahaasi?

  • Kaliya gabadha taqaano waxa uu jecelyahay iyo waxa uu necebyahay.

Maxay jecelyihiin raga?

  • Jawaabta: Hadalada dareenka leh weliba kuwooda jaceylka ah ee soo jiidashada leh.

  • Ragu waxay jecel yihiin dumarka amaano, xaaska u adeegsato erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh qaasatan erayada raga ay jecelyihiin.

Maxaa kale oo ay ragu jecel yihin?

  • Dabcan: in loo raaxeeyo, la dareensiiyo in uusan jirin nin ka fiican asiga kana dareen macaan.

Waa kuwee raga xaaska ay jeceylihiin?

  • Xaaska iska dhigto naag naag dhaaftay oo aanan jirin naag iyada ka fiican, aan kuu yara jilciyo hadalka, boqorada haweenka, xidigta naagaha, macnaha xabada ugu jirto dumarka.

Waa maxay dhibta heysato dumarka qaarkood?

  • Jawaabtu: Ma garanayaan raaxada raga ay jecelyihiin.

Maxay leeyihiin?

  • Alla waan ku wareeray ninkaan, ma aqaano waxa uu jecelyahay iyo sida loogu raaxeeyo.

  • Waxaasi waa ceyb lama weydiin karo, waxaasi ma baran karo, sidaa ma sameyn karo iyo bala balaaaaa.

Ninku muxuu is leeyahay?

  • Waxaan guursaday xaas reer baadiye ah, waa in aan naag kale la arooso oo taqaaano waxa aan jecelahay. Si, AYSAN TAASI U DHICIN!


Maxaan u diyaarinay dumarkaasi, haddii aan nahay bahda Erayo Jaceyl?

  • Jawaabta: Wax walbaa oo ay dhibtaasi ay uga baxayaan, waxaan u diyaarinay sida ay ugu raaxeyn lahaayeen raggooda, sida ay ku ogaan lahaayeen meelaha ugu dareenka badan raga iyo astaamaha kacsiga raga lagu garto.


Haddii aad rabto in aad ka faaideysato halkaan riix: Raaxada ninka: Sida aad ugu raaxeyn laheyd ninkaaga


Aan ku soo laabanno mowduuceena ah: Amaanta raga Soomaaliyeed, hadalada dareenka leh ee ay ragu jecelyihiin.


Inta aan uguda galin qormadeena, waxaan kuu qisheynaaa qormooyinka cajiibka ah ee aan ka hadalnay todobaadkii la soo dhaafay, haddii aadan horay u akhrisan halkaan riix oo ka faaiideyso:


  1. Biyo baxa dumarka: Baro 5 astaamood oo aad ku garan karto

  2. Sheeko jaceyl ah: Farxadeedu waa waa farxadeyda

  3. Erayo jaceyl oo amaan ah: Sida loo amaano gabdhaha

  4. Sawiro Jaceyl ah oo romantic ah

  5. Raaxada ragga ay jecelyihiin: Sida aad ugu raaxeyn lahayd ninkaaga



Amaanta Raga Soomaaliyeed

Sida loo amaano raga

Sow ma maqli jirin maahmaahdii Soomaaliyeed ee oran jirtay: Rag waa shaax dumarna waa sheeko?


Hdaba haddii aad ay jawaabtaadu haa tahay: U shub shaax, kuna dheh erayadaan goorta ku haboon ee aad jileysaan Filin Hindi Af Somali ah, macnaha markeey sheeeko macaan idin dhexmareeyso sida ciyaarta adag ee sariirta, goorta uu dareenkiisu kacsanyahay oo uu wax maqli karo...


  1. Waad ogtahay inaan gebi ahaanba ku jeclahay, sax?

  2. Waxaa tahay ninkeyga, anigana waxaan ahay naagtaada, had iyo jeer iyo weligeedba.

  3. Waad ku mahadsantahay inaad tahay ninka riyadeyda.

  4. Sir makuu sheegi karaa? Waxaan ahay qof kugu waashay adiga.

  5. Uma baahni subaxdii in aan cabo kafeey, kaliya in aan adiga kaa fikiro, Jaceylkaagu waa kiciyaha dareemaheyga.

  6. Kulankeenii ugu horeeyay ee aan kulanay, waxaan ku fikiray in aad tahay ninka ugu degan, ugu akhlaaqda wanagsan, uguna quruxda badan aduunka. Hadda waxaan arkaa inaad ka qurux badan tahay ninkaasi. Waxaad dhameytirtay nolosheyda.

  7. Waad ku mahadsantahay inaad noqoto saaxibkeyga, jaceylkeyga iyo halyeeygeyga. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan kula qaato cimrigeyga adiga inta ka dhiman nolosheyda.

  8. Inaan noqdo xaaskaaga waa farxada nolosheyda, waad ku mahadsantahay inaad aniga idooratay, Ninkeyga.

  9. Kama caajisi doono weligeey in aan subax walbaa daawado suuradaada qurxoon, ama taabashadaada dareenka leh ee xiliga habeenkii.

  10. Weli waad iga farxisaaa, macaan badan, waxaan rajeyn in aad ogtahay taas.


DHAMAAAD


Waxaan rajeyneynaa in aad wax ka faaiiday bogga mucaashaqiinta iyo farxada nolosha ee ERAYOJACEYL.COM.


Halkaan waxaan sidoo kale kuugu diyaarinay qaabab kale oo ninka loo soo jiito 15 qodob. Haddii aad xiiseyneyso riix halkaan: Sida aad ninkaaga ku soo jiidan karto 15 qodob kamid ah