8 Sadar oo lamid ah waan ku jeclahay misana ka qurux badan

Garowe ( Erayo Jaceyl ) - 8 Sadar oo lamid ah waan ku jeclahay misana ka qurux badan. Hadaba maxay yihiin 8 da sadar?


Waxaan maqli jiray

  1. xabiibi waan ku jeclahay

  2. waan ku jeclahay macaanto

  3. waan ku jeclahay gacaliye

  4. waan ku jeclahay gacaliso

  5. abaayo waan ku jeclahay,

  6. xaaskeyga waan ku jeclahay

Waan ku jeclahay markaad lamaanaha qaar ka badbadiso waxaa suurto gal ah in ugu dambeys uu kugu laba laboodo. Maxaa yeelay waa caajis, waa sida adigoo maalin walbaa bariis ku qadeeyay.

Garowe ( Erayo Jaceyl ) - Maxay yihiin 8 Sadar oo lamid ah waan ku jeclahay misana ka qurux badan? Waxaan maqli jiray Xabiibi waan ku jeclahay, waan ku jeclahay macaanto, waan ku jeclahay gacaliye, waan ku jeclahay gacaliso, abaayo waan ku jeclahay, xaaskeyga waan ku jeclahay, waan ku jeclahay macaane iyo erayo lamid ah.
Xabiibi Waan ku jeclahay

Baro 8 Sadar oo lamid ah waan ku jeclahay


Waan ku jeclahay, waa sedex eray oo qurux badan, dadka qaarna aad beey u jecelyihiin in lagu dhaho waan ku jeclahay, laakin waxaa jiro erayo kale oo lamid ah oo aad si kale u dhihi karto. Marka jooji waan ku jeclahay, isticmaal erayadaan maanta wixii ka dambeeyo.


Markuu jaceyl ku haleelo


Indhahaygu waxa ay aad ula yaaban yihiin oo markasta u sawiran muqaalkaaga qurxoon, dhagahayguna waxa ay codkasta oo ay maqlaan u maleeyaan codkaagii, Alla jacaylku macaanaa. Waxa aad ixasuusisay heestii oraneysay waa macaan amba waaa qaraar kolba waa siduu kuu soo mareee.


Lamaanaha qaar ma jeclo in toos loo dhaho waan ku jeclahay mana rumeystaan in ay taasi dhab tahay balse waxaa laga yaabaa markaad isticmaasho erayo jaceyl oo kale in ay suurto gal noqoto in uu kaa aqbalo. Hadaba waxaad halkaan ku baran doontaa 8 sadar oo lamid ah waan ku jeclahay misana ka qurux badan.


Waxaad jeclaatay xabadoo/xabadkoo, waxaad dhadhamisay dareenka macaan ee uu jaceylku leeyahay waxaadna rabtaaa in aad u muujiso jaceylkaada, hadaba waxaad timid hooyga mucaashaqiinta, halka aad ka baran lahayd erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh.

Waan ku jeclahay waa sedex eray oo qurux badan laakin waxaa isticmaalo Faarax iyo Xaliimo kastaa oo aanan aqoonin erayo kale oo ka qurux badan, sidaa darteed weey adag tahay in la rumeysto in jaceylkaada uu dhab yahay.

Waan ku jeclahay waa erayo inta badan dadku ay isticmaalaan xitaa hadii jaceylku uusan dhab ahayn. Hadaba sidee ku dareen sii kartaaa lamaanahaaga in aad jeceshahay?


Jawaabta: Weey fududahaay.

Haddii aad isticmaasho sideedaan sadar waxaad arki doontaa lamaanahaaga oo ku dhahayo, waan ku jeclahay idheh, weligaa ima dhihin waan ku jeclahay, maxaad ii dhihi la,dahay waan ku jeclahay, Ma i jeclaan miyaaa, jaceyl dhab ah ma ii qaadin, ani waan ku jeclahay idheh ama ha idhihin, iyo hadalo lamid ah.

Mar walbaa in aad jaceylkaaga muujiso waa wax qurux badan waana dareen macaan badan balse qof walbaa dareenka jaceylka dhabta ah ma dareemi karo ilaa qof jaceylka dhadhamiyay mooyee sida Qeys iyo Leyla oo kale.



8 da sadar oo lamid ah waan ku jeclahay misana ka qurux badan?


1. Maalintaan adiga ku bartay wax walbaa waxa ay ii noqdeen wax kale.

Waxaad muujineysaaa in ay wax iska kaa badaleen, goorta aad isbarateen oo sida aad shalay ahayd ma ihid balse waxaad u qireysaa in aad jeclaatay. Qofkii erayadaas la dhaho wuxuu dareemayaa jaceyl dhab ah iyo dareen qurux badan.

2. Adiga Ayaan mar walbaa kuu joogaaa.

Ka waran haddi aad lamaanahaaga weydiiso in uu ku caawiyo misana erayadasi kuugu jawaabo maxaad dareemi laheyd? Jawaabta macquulka ah waa: wuu i jecelaaday.

3. Waad ifarxadgelineysaaa

Mararka qaarkood erayo aad u fudud dhihidooda ayaa waxa ay noqdaaan kuwo farxad leh oo uu lamaanuhu dareemo jaceyl iyo kalsooni buuxda. Haddii aa rabto in aad dhisto kalsooni ku dheh lamaanahaaga.

4. Ma rabtaa in aan isku duqowno?

Markaad qof si dhab ah u jeceshahay waxaad jeclaaneysaa in noloshaada aad ku dhameysato lamaanahaaga oo aad isku duqowdaan. Taasi waxa ay muujineysaaa jaceylka dhabta ah ee aad u heyso lamaanahaaga.

5. Markaan adiga kula joogo waxaan dareemaa amaan.

In aad dareento amaan, naxariis, farxad waxa ay muujineyso dareenka dhabta ah ee aad qalbiga ku heyso. Halka wax laga jeclaado waa qalbiga, hadaad qalbiga naxariis ka dareentona waxa ay ka dhigan tahay in uu jeceyl ku haleelay.

6. Adiga la,aantaa ma dhameystirni

Noloshu kuma qurux badno keli ahaansho, Qof aadan jecleyne lama noolaan kartid noloshaadana ma dhameystiri karo, keliya qofka nasiibka u yeeshay in aad qalbigaada u hibeyso.

7. Waxaad tahay aduunkeyga

Sidee kula tahay? Maxaad dareemeysaa markaad maqasho erayadaas?

Jawaabta macaquulka ah: in aan u ahay wax walbaa.

8. Waxaan rajeyn in aad hadda ila joogto

Maxaa ka qurux badan in aad mar walbaa la joogtid ruuxii aad naftaada ugu hadiyadeysay? Maxaase ka qurux badan la joogistiisa? Jawaabta: Dabcan waxna.

Dhamaad

Sidoo kale waxaan halkaan kuugu diyaarinay erayo kale oo u dhigmo waan ku jeclahay, haddii aad xiiseyno halkaan riix