Ma raadineysaa erayo jaceyl, qaasatan erayo jacayl qiiro leh? Hadaba farxad beey inoo tahay inaan halkaan kugu tusno. Waxaad jaceyl daacad ah u qaaday

Erayo Jaceyl - Ka baro wax walbaa oo jaceyl ku saabsan

Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh

Halkaan kaga bogo: Erayo jaceyl oo soo jiidasho leh. Farxad beey inoo tahay inaad soo heshay boggeena Erayojaceyl.com, bogga arimaha jaceylka iyo qoyska. Halka aad kaga bogan doonto wax walbaa oo ku saabsan safarka dheer ee nolosha. Alla murugo jaceyl maxaa ibaday?

Haddii aa nahay dhalinyaro waxaan dooneynaa inaan awood u yeelano qaabka loola hadlo gabdhaha/wiilasha si dabacsan iyo wixii ka sareeyo: Bilaa cabsi.

Sida gabdhaha/wiilasha loola hadlo barashadooda ma ahan sida climiga gantaalaha! Asal ahaan wax fudud. Qof walbaa ayaa baran karo.

Baro maanta oo geli halkaan hoose emailkaaga kadibna riix ii soo dir.
Waxaa kaliya ee aan u baahannahay waa xoogaa geesinimo iyo rabitaan ah in aan qalad sameeyno. Markaad qalad sameyso waxaad baraneysaa qaladaadkaagii, waxaadna saxeysaa wax walbaa oo qalad ah oo kaa dhacay. Tijaabi oo sameey qalad, kadibna wax ka baro qaladaadkaagii. Waxaad arki doontaa adigoo wax walbaa qabiir ku ah.

Tusaale: Waxaad jaceyl xad dhaaf ah u qaaday gabar/wiil laakin jaceylkaaga uma sheegan kartid. Waxaad isleedahay armeey kugu daadisaa ama uu kugu daadiyaaa. Wax dhib ah malahan haddii laguugu daadiyo, waxaa buuxo aduunkaan malaayiin gabdho/wiilal ah. Waxaaan si hagar la,aan ah kuugu qishi doonaa sirta dumarka iyo ragga.

Jilaaga caanka ah ee Aamir Khan Fiimkiisii Ishq Hindi Af Somali mar uu talo siinayay saaxbikiis Ajay Devgan oo jaceyl daacad ah u qaaday aktarada caanka ah ee Kajol oo hadda ah xaaska dhabta ah ee Ajay  ayaa waxa uu ku yiri, Saaxib dunidaan:

4 waxyaabood la isma raaciyo weey kuu soo laabanayaan

  1. Gabar

  2. Diyaarad

  3. Bas

  4. Tariin

Midda koobaad haddii ay ku gafto tan labaad ayaad heleysaa, tan labaaad haddeey ku gafto tan sedexaad, tan sedexaad haddeey ku gafto, tan afaraad. Marka inaad gabar ama wiil ka baqato maba ahan. Hadaad dooneyso inaad noqoto aabaha jaceylka/hooyada jaceylka sida Qeys iyo Leyla waxaad u baahantahay inaad raacdo tilmaamaha aan kuu tilmaami doono kuwaasoo tilaabo tilaabo kuu fududeyn doono inaad guul ka gaartid jaceylkaaga.

Baro erayo jaceyl oo xul ah

1. Maalinta ugu quruxda badan nolosheyda waa maalintaan adiga kula kulmay, waqtiyada ugu wanaagsan ee nolosheyda waa daqiiqadihii aan adiga kula soo qaatay. Jaceylka aan adiga ku qabo waa mid sii xoogeysanayo maalinba maalinta ka dambeyso. 

2. Mar walbaa oo aad Fariin iisoo dirto waxaan ku xafidaaa qalbigeyga, mar walbaa oo aad i eegto waxaan ku keydiyaaa xusuusteyda, Eray walbaa oo aad i tiraahdo waxaan u gudbiyaaa maskaxda, adiga iyo ficiladaada waa kuwo ku weyn nolosheyda.

3. Waxaad tahay qofka keliya ee nolosheyda dhameystiray, sow xaq uma lihi in aan ku dhaho, waxaa tahay aduunkeyga?

Erayo jaceyl xikmad leh

1. Waxa ugu quruxda badan ee la helo nolosha ayaa ah Jaceyl, haduusan jirinna noloshu macno malahan. Mararka qaar noloshaada waxaa ku soo biiri doono qof kaa jeclaan doono wax walbaaa, farxadaaduna ay tahay farxadiisu, ilmadaaduna ay dhibeyso, haduu qofkaasi noloshaadu ku jiro ilaasho, noloshaadu waa qaali.

2. Runta waa furaha Kheyr kastaa, Beentana waa furaha Xumaan iyo shar kastaa. Marka ha qiyaanin qof adiga ku jecel hana u sheegin been.

3. Guurku waa nasiib, furiinkuse waa go,aan, murugtu waa nasiib, farxaduse waa go,aan, in noloshaada qof ku jiraaa waa nasiib, inaad ilaashataaa ama ka tagtaana waa go,aan, dhamaanteen nasiib mal lihin laakin waxaan leenahay go,aan.

 
Search