Ma raadineysaa erayo jaceyl, qaasatan erayo jacayl qiiro leh? Hadaba farxad beey inoo tahay inaan halkaan kugu tusno. Waxaad jaceyl daacad ah u qaaday

Erayo Jaceyl  Boga Mucaashaqiinta

Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh

Haddii aad ku cusub tahay Erayojaceyl.com waxa ugu fiican ee la sameeyo ayaa ah inaad ka bilowdo kamid noqoshada bahda Erayo Jaceyl oo in ka badan 10,000 oo qof ay horeyba isaga diiwaangeliyaan kagana faaideysteen qormooyinka xiisaha leh ee halkaan ka socdo. Sidee uga mid noqon karaa hadaba? Jawaabta

Halkaan geli Emailkaada kadibna riix ii soo dir

Halkaan kaga bogo: Erayo jaceyl oo soo jiidasho leh. Farxad beey inoo tahay inaad soo heshay boggeena Erayojaceyl.com, boga mucaashaqiinta. Halka aad kaga bogan doonto  erayo jaceyl oo soo jiidasho leh iyo wax walbaa oo ku saabsan safarka dheer ee nolosha. Alla murugo jaceyl maxaa ibaday? Haddii aa nahay dhalinyaro waxaan dooneynaa inaan barano erayo jacayl qiiro leh, hadaan si kale u iraahdo erayo jaceyl oo xul ah, erayo jaceyl dareen leh. Waxaan sidoo kale dooneynaa inaan awood u yeelano qaabka loola hadlo gabdhaha/wiilasha si dabacsan iyo wixii ka sareeyo: Bilaa cabsi. Inaad baratid erayo jaceyl oo macaan barashadooda ma ahan sida cilimiga gantaalaha! Asal ahaan wax fudud.

Aniga laftirkeyga markaaan yaraa waxaan sameeyay qaladaad faro badan balse ugu dambeys waxaa noqday xidiga gabdhaha. Waxyaabihii iigu yaabka badnaa waxay ahaayeen, gabar walbaa oo aan arko horaan ka caashaqi jiray, markaan isdhaho la hadal oo u sheeg rabitaankaaga, wadnaha ayaaba dhug dhug idhahayo. Waan daba soconayaa isla markriiba  Waxaan arkayaa gabadhii oo albaabka xiratay. Shit!

Maalintii dambe ayaa hadana banaanka ku sugayaa xiliga ay dukaanka soo aadeyso xiliyada habeenkii, waan soo raacayaa markaan is dhaho la hadal gabar kale ayaaba ka soo hor baxeyso ama anigii ayaaba asxaab kale oo aan  is naqaano iga soo hor baxeyso oo aan is dhahayo yeysan ku dareemin inaad qoftaan gaad gaadeyso. Aniga ciil, madaxaa ayaan gacmaha saartaa, anigoo ka xun nasiib daradeyda.

Maalinta kale ee xigta ayaan hadana go,aan gaari, wax walbaa oo dhacaa ha u joojin xittaa haddii hooyadeed kaa soo hor baxdo, Maxaad u xishooneysaa, maxaad uga cabsaneysaa iyo su,aalo kale, haddii ay ubadato waxa ay ku dhaheysaa iga raali noqo qof kale ayaan saaxib la ahay. Su,aalahaasi kadib markaan go,aan gaaro ayaan hadana bilabayaaa is gaad gaadkii ugu dambeeyay anigoo isku kalsoon misana aanan waxba ka baqeynin. Waan soo baxayaa markaan soo dabo kaco qoftii maba aqaano halkii aan ka bilaabi lahaa calashaan erayo aan iyada kula qabsado. Waan fikiraa, tolow xagee wax ka bilaawdaa, waxaad ubaahantahay halmar oo kaliya oo aad la hadashid misan albaab walbaa oo kaa xiran wuu kuu furmi. Hadaba waa inaad xal raadiso, Baro labo eray oo aad ku istaajin karto markey socoto, markey taagan tahayna aad ku fariisan karo. Nasiib daro waa gaasi ma jirin Google ama sida bogaan Erayojaceyl.com oo kale si, aan qish uga helo, kana faaiido qaladaadka dadka kale.

Waan sii fikiraa maalin walbaa, waxaana ii muuqdo hadafkeyga oo kaliya iyo sidii aan ku gaari lahaaa kadib  maalin anigoo u socdo suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho si aan uga soo iibsado dhar labis ah ayaan waxaa arkay wiil wareejinaayo wargeysyo, wiilkii ayaan weydiiyay wargeysada waxa ay ka hadlayaan. Waxa uuna iigu jawaabay waa sheekooyin ka hadlayaaa wax walbaa oo jaceyl ku saabsan. Waxaan ku iri, Ma arki karaa? Dabcan haa ayuu iigu jawaabay. Markii aan fiir fiiriyay ayaan waxaaa ka dhex helay qisooyin aad u macaan iyo erayo aan la dhacay. Waxaan ka soo iibsaday Afar buug iyo labo wargeys oo ay kamid ahaayeen wargeys la dhihi jiray Aayaha Nolosha iyo Social Press, wargeysyadani waxa ay ahaayeen wargeysyo soo baxo maalmo cayimann sida maalmaha Arbacada iyo Khamiista. Of course aniga waxaan ahay wiil naag raadis ah oo aanan aqoonin sida gabdhaha loola qabsado ama loola hadlo waana sababta igu kaliftay inaan soo iibsado buugaagtaasi.

Qoreyaashii aan ka xasuusto waxaa kamid ah. 1. Tifatiraha wargeyska Aayaha Nolosha: C/Raxmaan Cumar Madoobe oo lagu naaneysi jiray (Caaqil Dalmar) 2. Maamule: C/Kariin Ibraahin Aadan (Ambaciliin) 3. Maxaned Shiil Xasan Shiil. 3. Ismaaciil Shiikh Khaliif (Abwaanka) iyo qoreyaal kale oo aan halkaan ku soo koobi korin. Wargeysyadani ayaa shaqeynayay laga soo bilaabo 1998 xiliyadii burburka waana wargeysyadii ugu horeeyay ee ka hadla arimaha qoyska, nabadda iyo jaceylka. Ugu dambeys waxaa noqday dhalinta ku xiran warqaad walbaaa oo ka hadlayo arimaha shukaansiga iyo qoska. Nasiib daro waagaasi ma ahayn sida hadda oo kale, caasimada Soomaaliya ee Muqdisho waxa ay ahayd mid dagaalo fara badani ay ka jiraan oo xittaa xiligii habeenkii aanan jirin isdhexgel inkastoo qofka markuu wax jecelyahay uusan waxaas waxba la ahayn haddana maanta caasimada  ama dalka oo dhan wuu ka qurux badan yahay, wuuna ka nabad roonyahay siduu shalay ahaa. Dabcan weli dhibkku wuu jiraa balse ma jirto cilad kaa cabsi gelineyso inaad habeenkii shukaansi aado.

 

Aan ku soo laabto mowduuceyga ahaa aniga iyo shukaansi. Markaan badiyay inaan wax badan akhriyo oo aan tijaabiyay inay shaqeenayaan oo kale ayaan ugu dambeys ku guuleystay. Waxaan noqday shabeel naagood oo xabadoo arkaba u geeraaro misana mid walbaa igu dhahdo adigaa, waxaa tahay wiil la yaab leh. Of course layaabkani waxaa ka horeeyay inaan dhaco oo aan kuf kufo sida canug socod barad ah oo kale. Laakin iyaga maxay ka garanayaan hee? waxay u jeedaan bis inaan ahay qof soo jiidasho badan oo erayo cajiib ah ku hadlayo. Hadaba wax walbaa inaad gaarto weey fududahay haddii aad badiso wax akhriska  misana is baroobeyso qofka aad tahay. Tijaabooyinka ugu horeeyo waxaa sameyneysaa qaladaad faro baan laakin ugu dambeyn waad saxeysaa. Aniga i aamin, ma jiro qof kaa karti badan. Mana jiro wax kaa hor istaagi karo hanashada qofka aad sida dhabtah uga hesho.

Kama hadlayo wiilasha oo kaliya ee xittaa gabdhaha. Gabdhaha laftirkooda wey jeclaan karaa wiil mana ahan wax ceyb ah inay gabadha wiilka ay jeceshahay ay soo jiidato ama la hadasho. Dabcan lama joogo waagii gabadha nin aysan raali ku ahayn lagu qasbi jiray misana aysan la noolaan karin, waxaa la marayaa 2021. Qof walbaa iyo dookhiisa. Sidaa darteed boggeena qorayashooda waxay isugu jiraan wiilal iyo gabdho si aan ugu faaiideyno akhiristayaasheena misana ay u gaaraan nolosha tan ugu farxada badan ee qof walbaa ku haminayo. 

4 waxyaabood la isma raaciyo weey kuu soo laabanayaan

  1. Gabar
  2. Diyaarad
  3. Bas
  4. Tariin
Midda koobaad haddii ay ku gafto tan labaad ayaad heleysaa, tan labaaad haddeey ku gafto tan sedexaad, tan sedexaad haddeey ku gafto, tan afaraad. Marka inaaad gabar ama wiil ka baqato maba ahan. Hadaad dooneyso inaad noqoto aabaha jaceylka/hooyada jaceylka sida Qeys iyo Leyla waxaad u baahantahay inaad raacdo tilmaamaha aan kuu tilmaami doono kuwaasoo tilaabo tilaabo kuu fududeyn doono inaad guul ka gaartid jaceylkaaga.

Baro erayo jaceyl oo xul ah

Markaad qof jeclaatid waxaad ubaahantahay erayo dabacsan oo aad ku soo jiidan karto qofkaasi. Adeegsiga erayo jaceyl oo soo jiidasho leh waa waxa ugu fudud ee aad qofka ku kasban karto. Sidoo kale  waa lagama maarmaan adeegsiga erayo kaftan ah misana aanan waxba u dhimeynin qofkaasi. Erayada kaftanka loo adeegsado waxaan kuugu diyaarinay halka hoose. Marka ugu horeyso sida gabdhaha/wiilasha loola kaftamo waxaa laga yaabaa inay wax weyn kula noqoto balse maalmo kadib waxaan hubaa inaad noqon doonto xidiga/xidigta dadku ay ka helaan. Hadaba halkani waxaan ku soo bandhigeynaa qaar kamdi ah erayo jaceyl oo aan ugu talo galnay mucaashaqiinta ku jiro xiliga haasaawaha.
1. Maalinta ugu quruxda badan nolosheyda waa maalintaan adiga kula kulmay, waqtiyada ugu wanaagsan ee nolosheyda waa daqiiqadihii aan adiga kula soo qaatay. Jaceylka aan adiga ku qabo waa mid sii xoogeysanayo maalinba maalinta ka dambeyso. 
2. Mar walbaa oo aad Fariin iisoo dirto waxaan ku xafidaaa qalbigeyga, mar walbaa oo aad i eegto waxaan ku keydiyaaa xusuusteyda, Eray walbaa oo aad i tiraahdo waxaan u gudbiyaaa maskaxda, adiga iyo ficiladaada waa kuwo ku weyn nolosheyda.
3. Waxaad tahay qofka keliya ee nolosheyda dhameystiray, sow xaq uma lihi in aan ku dhaho, waxaa tahay aduunkeyga?
4. Waxaa tahay suldaanka qalbigeyga, qalbigeyguna wuu ku raaxeystaa raacidda amaradaada.
5. Waxa ugu horeeyo ee aan ka fikiro markaan hurdada ka soo kaco waa adiga. Waad ku mahadsantahay inaad aniga i dooratay.

Erayo jaceyl xikmad leh

1. Waxa ugu quruxda badan ee la helo nolosha ayaa ah Jaceyl, haduusan jirinna noloshu macno malahan. Mararka qaar noloshaada waxaa ku soo biiri doono qof kaa jeclaan doono wax walbaaa, farxadaaduna ay tahay farxadiisu, ilmadaaduna ay dhibeyso, haduu qofkaasi noloshaadu ku jiro ilaasho, noloshaadu waa qaali.

2. Runta waa furaha Kheyr kastaa, Beentana waa furaha Xumaan iyo shar kastaa. Marka ha qiyaanin qof adiga ku jecel hana u sheegin been.

3. Guurku waa nasiib, furiinkuse waa go,aan, murugtu waa nasiib, farxaduse waa go,aan, in noloshaada qof ku jiraaa waa nasiib, inaad ilaashataaa ama ka tagtaana waa go,aan, dhamaanteen nasiib mal lihin laakin waxaan leenahay go,aan.

 
Search