EN
EN
DE

Erayo jaceyl oo romantic ah - Hoyga Mucaashaqiinta
Hqlkani waxaan dooneynaa inaan kugula wadaagno erayo jaceyl ah oo aad u diri karto amaanaga sida dhabta ah u jeceshahay gaar ahaan erayo romantic ah. Jaceyl dhab ah waa macaan markaad heysato ruux ku dareensiiyo. Haddii aad ku cusub tahay hoyga mucaashaqiinta ee Erayojaceyl.com waxa ugu fiican ee la sameeyo ayaa ah inaad ka bilaawdo kamid noqoshada bahda Erayo Jaceyl oo in ka badan 10,000 oo qof ay horey isaga diiwaangeliyeen kagana faaideystaan qormooyinka xiisaha leh ee halkaan ka socdo. Su,aalaha ugu badan ee akhristayaasheena: Sidee uga mid noqon karaa bahda Erayo Jaceyl? Jawaabta.
Erayo jaceyl ah oo nafta farxadgelinayo
Farxad beey inoo tahay inaad soo heshay hoyga mucaashaqiinta ee Erayojaceyl.com. Halka aad kaga bogan doonto erayo jaceyl ah oo nafta farxadgelinayo iyo wax walbaa oo ku saabsan safarka dheer ee nolosha. Alla murugo jaceyl maxaa ibaday? Haddii aa nahay dhalinyaro waxaan dooneynaa inaan barano erayo jacayl oo xul ah, gaar ahaan erayo jaceyl dareen leh. Waxaan sidoo kale dooneynaa inaan awood u yeelano qaabka loola hadlo gabdhaha/wiilasha si dabacsan iyo wixii ka sareeyo: Bilaa cabsi. Inaad baratid erayo jaceyl oo macaan barashadooda ma ahan sida cilimiga gantaalaha! Asal ahaan wax fudud.
Ka hor inta aanan baran erayo jacayl qiiro leh. Aniga laftirkeyga markaaan yaraa waxaan sameeyay qaladaad faro badan balse ugu dambeys waxaa noqday xidiga gabdhaha. Waxaan bartay erayo jaceyl ah oo aan ku soo jiidan karo gabadha aan rabo, gaar ahaan erayo jaceyl dareen leh. Erayadaasi qaar kamid ah waxaan kugu tusi doonaa halkaan. Waxyaabihii iigu yaabka badnaa waxay ahaayeen, gabar walbaa oo aan arko horaan ka caashaqi jiray. Waxaan ahaa wiil aad u damac badan. Markaan isdhaho la hadal oo u sheeg rabitaankaaga, wadnaha ayaaba dhug dhug idhihi jiray. Sabab? Sababtoo ah waxay isugu key tagay xishood iyo cabsi. Waan daba soconayaa isla markriiba Waxaan arkayaa gabadhii oo albaabka xiratay. Shit! Aniga xanaaq. Maalintii dambe ayaan hadana banaanka ku sugayaa xiliga ay dukaanka soo aadeyso xiliyada habeenkii. Waan soo raacayaa markaan is dhaho la hadal gabar kale ayaaba ka soo hor baxeyso. Aniga ciil, madaxaa ayaan gacmaha saartaa, anigoo ka xun nasiib daradeyda.
Barashada erayo jaceyl dareen leh
Maalinta kale ee xigta ayaan hadana go,aan gaari, wax walbaa oo dhacaa ha u joojin xittaa haddii hooyadeed kaa soo hor baxdo, Maxaad u xishooneysaa, maxaad uga cabsaneysaa iyo su,aalo kale. Haddii ay ubadato waxa ay ku dhaheysaa iga raali noqo qof kale ayaan saaxib la ahay. Su,aalahaasi kadib markaan go,aan gaaro ayaan hadana bilabayaaa is gaad gaadkii ugu dambeeyay anigoo isku kalsoon misana aanan waxba ka baqeynin. Waan soo baxayaa markaan soo dabo kaco qoftii maba aqaano halkii aan ka bilaabi lahaa calashaan erayo aan iyada kula qabsado. Waan fikiraa, tolow xagee wax ka bilaawdaa, waxaad ubaahantahay halmar oo kaliya oo aad la hadashid misan albaab walbaa oo kaa xiran wuu kuu furmi. Hadaba waa inaad xal raadiso, Baro labo eray oo aad ku istaajin karto markeey socoto, markeey taagan tahayna aad ku fariisan karto. Nasiib daro waa gaasi ma jirin Google ama sida bogaan Erayojaceyl.com oo kale si, aan qish uga helo, kana faaiido qaladaadka dadka kale.
Waan sii fikiraa maalin walbaa, waxaana ii muuqdo hadafkeyga oo kaliya iyo sidii aan ku gaari lahaaa kadib maalin anigoo u socdo suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho si aan uga soo iibsado dhar labis ah ayaan waxaa arkay wiil wareejinaayo wargeysyo, wiilkii ayaan weydiiyay wargeysada waxa ay ka hadlayaan. Waxa uuna iigu jawaabay waa sheekooyin ka hadlayaaa wax walbaa oo jaceyl ku saabsan. Waxaan ku iri, Ma arki karaa? Dabcan haa ayuu iigu jawaabay. Markii aan fiir fiiriyay ayaan waxaaa ka dhex helay qisooyin aad u macaan iyo erayo aan la dhacay. Waxaan ka soo iibsaday Afar buug iyo labo wargeys oo ay kamid ahaayeen wargeys la dhihi jiray Aayaha Nolosha iyo Social Press, wargeysyadani waxa ay ahaayeen wargeysyo soo baxo maalmo cayimann sida maalmaha Arbacada iyo Khamiista. Of course aniga waxaan ahay wiil naag raadis ah oo aanan aqoonin sida gabdhaha loola qabsado ama loola hadlo waana sababta igu kaliftay inaan soo iibsado buugaagtaasi.
Qoreyaashii aan ka xasuusto waxaa kamid ah. 1. Tifatiraha wargeyska Aayaha Nolosha: C/Raxmaan Cumar Madoobe oo lagu naaneysi jiray (Caaqil Dalmar) 2. Maamule: C/Kariin Ibraahin Aadan (Ambaciliin) 3. Maxaned Shiil Xasan Shiil. 3. Ismaaciil Shiikh Khaliif (Abwaanka) iyo qoreyaal kale oo aan halkaan ku soo koobi korin. Wargeysyadani ayaa shaqeynayay laga soo bilaabo 1998 xiliyadii burburka waana wargeysyadii ugu horeeyay ee ka hadla arimaha qoyska, nabadda iyo jaceylka. Ugu dambeys waxaa noqday dhalinta ku xiran warqaad walbaaa oo ka hadlayo arimaha shukaansiga iyo qoska. Nasiib daro waagaasi ma ahayn sida hadda oo kale, caasimada Soomaaliya ee Muqdisho waxa ay ahayd mid dagaalo fara badani ay ka jiraan oo xittaa xiligii habeenkii aanan jirin isdhexgel inkastoo qofka markuu wax jecelyahay uusan waxaas waxba la ahayn haddana maanta caasimada ama dalka oo dhan wuu ka qurux badan yahay, wuuna ka nabad roonyahay siduu shalay ahaa. Dabcan weli dhibkku wuu jiraa balse ma jirto cilad kaa cabsi gelineyso inaad habeenkii shukaansi aado.
Aan ku soo laabto mowduuceyga ahaa aniga iyo shukaansi. Markaan badiyay inaan wax badan akhriyo oo aan tijaabiyay inay shaqeenayaan oo kale ayaan ugu dambeys ku guuleystay. Waxaan noqday shabeel naagood oo xabadoo arkaba u geeraaro misana mid walbaa igu dhahdo adigaa, waxaa tahay wiil la yaab leh. Of course layaabkani waxaa ka horeeyay inaan dhaco oo aan kuf kufo sida canug socod barad ah oo kale. Laakin iyaga maxay ka garanayaan hee? waxay u jeedaan bis inaan ahay qof soo jiidasho badan oo erayo cajiib ah ku hadlayo. Hadaba wax walbaa inaad gaarto weey fududahay haddii aad badiso wax akhriska misana is baroobeyso qofka aad tahay. Tijaabooyinka ugu horeeyo waxaa sameyneysaa qaladaad faro baan laakin ugu dambeyn waad saxeysaa. Aniga i aamin, ma jiro qof kaa karti badan. Mana jiro wax kaa hor istaagi karo hanashada qofka aad sida dhabtah uga hesho.
Kama hadlayo wiilasha oo kaliya ee xittaa gabdhaha. Gabdhaha laftirkooda wey jeclaan karaa wiil mana ahan wax ceyb ah inay gabadha wiilka ay jeceshahay ay soo jiidato ama la hadasho. Dabcan lama joogo waagii gabadha nin aysan raali ku ahayn lagu qasbi jiray misana aysan la noolaan karin, waxaa la marayaa 2021. Qof walbaa iyo dookhiisa. Sidaa darteed boggeena qorayashooda waxay isugu jiraan wiilal iyo gabdho si aan ugu faaiideyno akhiristayaasheena misana ay u gaaraan nolosha tan ugu farxada badan ee qof walbaa ku haminayo.
4 waxyaabood la isma raaciyo weey kuu soo laabanayaan
-
Gabar
-
Diyaarad
-
Bas
-
Tariin